Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W. Cumar oo kulamo kula qaatay Dhuusamareeb Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
R.W. Cumar oo kulamo kula qaatay Dhuusamareeb Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhuusamareb March 7, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiir dowlaha xafiiska R.W, Wasiiru dowlaha Amniga, xubno kamid Baarlamanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada dhexe ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareb ee xarunta gobolka Galgaduud. Waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur masuuliyiinta gobolka Galgaduud iyo dadweyne faro badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo galbiyay xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Gobollada dhexe halkaas oo uu kulamo kula qaatay ergadii ka qayb galaysay shirka iyo maamulka Gobolka.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee shirka nabadeyntu uga socday degmada Dhuusamareb ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaraha Booqashadiisa, waxaana ay ka codsadeen dowladdu in ay gacan ku siiso dhamaystirka howlaha dhiman.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka hadlayey xarunta shirku ka socday ayaa sheegay inuu indhahiisa ku arkey sida shacabka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada ay uga go’an tahay inay is cafiyaan, mustaqbal wanaagsanna u horseedaan degaannada gobollada dhexe.

“Gobollada dhexe ee Soomaaliya muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta dalka iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo shacabkeenna ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka, dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saareysaa sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, nidaamkaas oo ah kan keliya ee horumar lagu gaari karo” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kalana sheegay in xukuumadu ay balan qaadayso intii awoodeeda ah iney gacan ku siiso dadka ku dhaqan gobolada dhexe sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad waarta oo ka dhalata deeganadooda’’ ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashid ayaa dhiirgeliyey dadaallada Nabada loogu raadinayo ee Xukuumaddu ka wado Guriceel, wuxuna timlmaamay heshiiskii dhawaan la saxiixay in u jeedkiisu ahaa in bulshadu ay si nabad ah u wada noolaato, waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu caawa kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo Maamulka gobolka Galgaduud.
201537635613227476161968Sharma'arke_oo_ tagay_Dhuuso-mareeb (1)

201537635613228103178785Sharma'arke_oo_ tagay_Dhuuso-mareeb (2)

unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed (13)

Previous Post

Ururka haweenka Wazda oo maanta tababar u soo xiray 180 haween ah “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampalada “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampalada “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampalada “SAWIRRO”

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In