Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Ku-xigeenka Dalka oo daah furay bandhigga Warbixinta miisaaniyadda Qoysaska Soomaaliyeed

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Ku-xigeenka Dalka oo daah furay bandhigga Warbixinta miisaaniyadda Qoysaska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed, taas oo ay soo saartay Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo taageero ka helaysa Baanka Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in guul wayn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in maanta la helo tirakoob sax ah oo lagu jaangoyn karo miisaaniyadda qoys walba oo Soomaaliyeed.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Mudane Saalax ayaa sheegay in warbixintani innaga dabooli doonto wax kasta oo aan uga baahannahay inaan ka ogaanno daryeelka dadkeenna, iyo helitaankooda adeegyada aasaasiga ah sida,waxbarashada, caafimaadka, tamarta, biyaha, faya-dhowrka, lahaanshaha dhulka iyo dhaq-dhaqaaqooda dhaqaale.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo hoostagta Wasaaradda Qorshaynta, Maalagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa markii ugu horreysey muddo 38 sano ah soo bandhigtay warbixinta sahanka miisaaniyadda qoyska Soomaaliyeed oo ah tiro koob lagu samayeeyo haynta iyo karaanka bulshada, taasi oo wax wayn ka tari doonta in dhab loo ogaado baahiyaha dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasabada waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiiradda Dowlad Gobaleedyada, Wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, Hay’adaha Horumarinta iyo Masuuliyiin kale.

Previous Post

Somali PM Calls for Action Against Corruption and Violence

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo booqday Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA  “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo booqday Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA  “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha gudaha oo booqday Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA  "SAWIRRO"

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In