Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaaraha Tuunis oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaaraha Tuunis oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Tuunis Ilyaas Al-Fakh-Faakh oo markii horeba haystay mudo kooban si uu usoo dhiso xukuumad loo dhan yahay oo ay ka dhex muuqdaan xisbiga muxaafidka ah iyo dhamaan xisbiyada kale ee ka jira dalkaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa cusub ee Wasiirada Dawladda Tuunis.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Al-fakh-faakh waxa uu la tashi kala yeeshay Madaxweynaha dalka Tuunis mudane Qays Saciid isagoo ku wargeliyay qaabka ay noqonayso xukuumadda uu doonayo inuu soo dhiso, waxaana Madaxweyne Qays uu isaguna ku qancay xukuumadda uusoo dhisay Mudane Ilyaas Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Tuunis.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

December 17, 2025

Fakh-faakh wuxuu tilmaamay inuu waqti badan ku bixiyay dhismaha xukuumad kooban oo ku dhisan kala duwanaanta aragtida siyaasadeed ee xisbiyada dalka Tuunis, taasoo ka dhalatay sida uu sheegay wada tashiyo ballaaran oo uu la sameeyey xisbiyada mucaaradka oo uu ugu muhiimsan yahay xisbiga Al-nahda.

Hogaamiyaasha xisbiga Al-nahda iyo axsaabta kale ee Tuunis ayaa dhankooda sheegay inay soo dhoweynayaan xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Fakh-faakh iyagoo baarlamaanka Tuunis u jeediyay codsi ku salaysan inay meel mariyaan ama ansixiyaan xukuumadda cusub.

Madaxweynaha Dawladda Tuunis Mudane Qays Saciid ayaa dhankiisa bogaadiyay dedaalka uu sameeyey Ra’iisal Wasaare Ilyaas Fakh-faakh wuxuuna baarlamaanka Tuunis ka dalbaday inay cod aqlabiyad leh ku meel mariyaan golaha xukuumadda cusub si loo sii anba qaado shaqada hor taalla Dawladda.

Previous Post

Cabdisalaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa seddexdii nin ee loo xukumay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo la sii daayay

Next Post

Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Next Post
Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si...

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In