Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaaraha Tuunis oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaaraha Tuunis oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Tuunis Ilyaas Al-Fakh-Faakh oo markii horeba haystay mudo kooban si uu usoo dhiso xukuumad loo dhan yahay oo ay ka dhex muuqdaan xisbiga muxaafidka ah iyo dhamaan xisbiyada kale ee ka jira dalkaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa cusub ee Wasiirada Dawladda Tuunis.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Al-fakh-faakh waxa uu la tashi kala yeeshay Madaxweynaha dalka Tuunis mudane Qays Saciid isagoo ku wargeliyay qaabka ay noqonayso xukuumadda uu doonayo inuu soo dhiso, waxaana Madaxweyne Qays uu isaguna ku qancay xukuumadda uusoo dhisay Mudane Ilyaas Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Tuunis.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Fakh-faakh wuxuu tilmaamay inuu waqti badan ku bixiyay dhismaha xukuumad kooban oo ku dhisan kala duwanaanta aragtida siyaasadeed ee xisbiyada dalka Tuunis, taasoo ka dhalatay sida uu sheegay wada tashiyo ballaaran oo uu la sameeyey xisbiyada mucaaradka oo uu ugu muhiimsan yahay xisbiga Al-nahda.

Hogaamiyaasha xisbiga Al-nahda iyo axsaabta kale ee Tuunis ayaa dhankooda sheegay inay soo dhoweynayaan xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Fakh-faakh iyagoo baarlamaanka Tuunis u jeediyay codsi ku salaysan inay meel mariyaan ama ansixiyaan xukuumadda cusub.

Madaxweynaha Dawladda Tuunis Mudane Qays Saciid ayaa dhankiisa bogaadiyay dedaalka uu sameeyey Ra’iisal Wasaare Ilyaas Fakh-faakh wuxuuna baarlamaanka Tuunis ka dalbaday inay cod aqlabiyad leh ku meel mariyaan golaha xukuumadda cusub si loo sii anba qaado shaqada hor taalla Dawladda.

Previous Post

Cabdisalaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa seddexdii nin ee loo xukumay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo la sii daayay

Next Post

Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Next Post
Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In