Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

September 16, 2018
in Wararka
0
Ra’iisal wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisl wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobalka oo uu hoggaaminayo Duqa magaalada Muqdisho.

Kullanka oo uu shirguddoomiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay Hirgelinta qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho,sugida Amniga iyo dardar gelinta adeegyada Bulshada ee uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

May 24, 2022
Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

May 24, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa xusay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay u soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hiigsiga horumarinta Bulshada ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa nagu soo booqday xarunta Dowladda hoose ee Xamar,tani oo qeyb ka ah kormeerkii uu ku mariyay Hay’adda Dowladda,maadama xaruntii caasimadda Gobolka Banaadir halkan tahay fursad ayay noo ahayn anaga inuu nala kulmo madaxdii Gobolka Banaadirna fursad buu u helay inuu warbixin ka dhageysto Xaalada meeshey mareyso,horumarka aan ka sameynay,runtii aad iyo buu inoogu dhiira geliyay shaqada aan bulshada u heyno,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kula dardaarmay iney dardar geliyaan howlaha sugida amniga iyo dardar gelinta adeegyada shacabka Gobolka Banaadir loo qabto.

Ugu danbeyntii,Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay Ra’iisal wasaare Kheyre mudnaanta gaarka ah uu siiyo Gobolka Banaadir,wuxuuna kormeerka Ra’iisal wasaaraha qeyb ka yahay qorshaha isla xisaabtanka iyo kor joogteynta oo lagu tayeynayo howlaha muhiimka ah ee Bulshada u hayaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Previous Post

Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Next Post

Ururka NUSOJ oo tababar u furay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Next Post
Ururka NUSOJ oo tababar u furay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Ururka NUSOJ oo tababar u furay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay Talisyada ciidamada kala duwan ee qalabka sida. Kormeerka...

Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

May 24, 2022
0

Senator Xasan Iidow Kobac oo ka mid ah Senatarada laga soo doortay Hirshabeelle ayaa hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka...

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya marwo,  Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In