RADIO MUQDISH: Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannad guurada 65โaad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayna guulo waaweyn ka soo hooyeen cadowga dalkeenna u diidan horumarka ee Khawaarijta.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda weyn ee qarankeennu u leeyahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda ammaanka iyo xuduudaha dalka, kana difaaca shacabka Soomaaliyeed khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.
Raโiisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda iyo dalkooda.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐๐๐๐ก๐๐ง๐ญ๐๐ก๐๐ฒ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...











