Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Maaliyadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Maaliyadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 01, April, 2017….Wasriika cusub W. Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle, ayaa saaka xilka kala wareegay wasiirkii hore maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro ka tirsan xukuumadii hore, madax ka socota Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horaynti Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Xasan Cali Kheyre oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya maanta  u bilaabatay isla xisaabtan, iyo sidii xididada loogu siibi lahaa musuq maasuqa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025

“In xil lagu wareejiyo si nabad ah waxay astaan u tahay horumarka dalka, anagoo kuligeen makhraati ka ah, waana xafladii ugu horaysay ee xukuumadda cusub ay xil kula wareegto, waxaana u imid maanta inaan idinla qaybsado islamarkaana idin dareensiiyo hadafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu inuu ku salaysan yaahy inaan hogaamino nidaam cusub oo ku taagan isla xisaabtan. Waxaa laydinku aaminay canshuur loo soo dhididay iyo iftiimkii dowladda Soomaaliya. Shaqaalaha Wasaaradda waxaan u sheegayaa in maanta la soo gaaray xiligii isla xisaabtan-ka dhabta ah, amaanada yar oo laydiin dhiibayna inaad u ilaalisaan sida ugu haboon, shaqada laga sugayo wasiirada cusub maahan in ay  ilaaliyaan amaanada kaliya, ee waa iney kor u qaadaan dakhliga” ayuu yiri RW khayre,

Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa dhankiisa sheegay in mudadii uu xilka hayey la gaaray horumar baaxad leh, taasna ay makhraati ka tahay in xil wareejintu ka dhacaday maanta wasaaradii rasmiga ahayd ee Maaliyadda.

“Waxaa farxad ii ah inaan maanta xilka wareejinayo mudo laba sano ah anigoo wax badan ku soo kordhiyey wasaaradda Maaliyadda, waxaana maanta xilka lagula kala wareegay dhismihii Wasaarada, waxaa kale oo hada dhisme ku socdaa wasaaradii hore ee lacagta oo aan ka fogayn wasaaradda. Waxaa intaas dheer nidaamka cusub ee lagu ilaalinayo dakhliga dalka inuu noo saamaxay maanta laga soo bilaabo 09, April, 2015 ilaa hada wixii dakhli soo galay dowladda iyo meeshii ay ku baxday intaba laga heli karo nidaamkaan loo yaqanao “FMIS” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dr. Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo Wasiiradii la shaqayn jiray shaqada wacan ee ay soo qabteen, wuxuuna balan qaaday inuu isagu ugu horayn doono isla xisaabtanka.

“Sharaf weyn ayeey ii tahay in xilkaan nalagu aamino aniga iyo shaqaalaha wasaarada, Ra’iisul Wasaaraha ayaa na siiyey daardaaran shaamil ah oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana ku soconayanaa wadadii uu madaxweynuhu noo jeexay ee ahayd abuurida “nabad iyo nolol” ka soo qayb galka Ra’iisul Wasaaruhu waxay na tusaysaa misaanka ay leedahay wasaaradda maaliyaddu. Aniga iyo shaqaalaha wasaaradu oo iskaashanayna waxaan u shaqaynaynaa si wadajir ah, waxaa xusid mudan inaan Mudadii 30-ka sano ahayd ee aan u shaqynayey Bangiga Horumarinta Africa, aan la lahaa wada shaqayn joogta ah Wasaaradda Maaliyadda, hadii aan inagu wax qabsanana waxaa hubaal ah in cid walba na taageerayso” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ugu danbayntii Waxaa labada Wasiir kala saxiixdeen qoraalkii xil wareejinta, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

Ra'iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay"

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In