Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Maaliyadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Maaliyadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 01, April, 2017….Wasriika cusub W. Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle, ayaa saaka xilka kala wareegay wasiirkii hore maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro ka tirsan xukuumadii hore, madax ka socota Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horaynti Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Xasan Cali Kheyre oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya maanta  u bilaabatay isla xisaabtan, iyo sidii xididada loogu siibi lahaa musuq maasuqa.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026

“In xil lagu wareejiyo si nabad ah waxay astaan u tahay horumarka dalka, anagoo kuligeen makhraati ka ah, waana xafladii ugu horaysay ee xukuumadda cusub ay xil kula wareegto, waxaana u imid maanta inaan idinla qaybsado islamarkaana idin dareensiiyo hadafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu inuu ku salaysan yaahy inaan hogaamino nidaam cusub oo ku taagan isla xisaabtan. Waxaa laydinku aaminay canshuur loo soo dhididay iyo iftiimkii dowladda Soomaaliya. Shaqaalaha Wasaaradda waxaan u sheegayaa in maanta la soo gaaray xiligii isla xisaabtan-ka dhabta ah, amaanada yar oo laydiin dhiibayna inaad u ilaalisaan sida ugu haboon, shaqada laga sugayo wasiirada cusub maahan in ay  ilaaliyaan amaanada kaliya, ee waa iney kor u qaadaan dakhliga” ayuu yiri RW khayre,

Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa dhankiisa sheegay in mudadii uu xilka hayey la gaaray horumar baaxad leh, taasna ay makhraati ka tahay in xil wareejintu ka dhacaday maanta wasaaradii rasmiga ahayd ee Maaliyadda.

“Waxaa farxad ii ah inaan maanta xilka wareejinayo mudo laba sano ah anigoo wax badan ku soo kordhiyey wasaaradda Maaliyadda, waxaana maanta xilka lagula kala wareegay dhismihii Wasaarada, waxaa kale oo hada dhisme ku socdaa wasaaradii hore ee lacagta oo aan ka fogayn wasaaradda. Waxaa intaas dheer nidaamka cusub ee lagu ilaalinayo dakhliga dalka inuu noo saamaxay maanta laga soo bilaabo 09, April, 2015 ilaa hada wixii dakhli soo galay dowladda iyo meeshii ay ku baxday intaba laga heli karo nidaamkaan loo yaqanao “FMIS” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dr. Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo Wasiiradii la shaqayn jiray shaqada wacan ee ay soo qabteen, wuxuuna balan qaaday inuu isagu ugu horayn doono isla xisaabtanka.

“Sharaf weyn ayeey ii tahay in xilkaan nalagu aamino aniga iyo shaqaalaha wasaarada, Ra’iisul Wasaaraha ayaa na siiyey daardaaran shaamil ah oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana ku soconayanaa wadadii uu madaxweynuhu noo jeexay ee ahayd abuurida “nabad iyo nolol” ka soo qayb galka Ra’iisul Wasaaruhu waxay na tusaysaa misaanka ay leedahay wasaaradda maaliyaddu. Aniga iyo shaqaalaha wasaaradu oo iskaashanayna waxaan u shaqaynaynaa si wadajir ah, waxaa xusid mudan inaan Mudadii 30-ka sano ahayd ee aan u shaqynayey Bangiga Horumarinta Africa, aan la lahaa wada shaqayn joogta ah Wasaaradda Maaliyadda, hadii aan inagu wax qabsanana waxaa hubaal ah in cid walba na taageerayso” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ugu danbayntii Waxaa labada Wasiir kala saxiixdeen qoraalkii xil wareejinta, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

Ra'iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay"

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In