Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir 27-ka bishan December, 2021
Shirka ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo looga arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka
Doorashooyinka xildhibaannada golah Shacabka ayaa si hufan uga socda dhamaan maamul Goboleedyada dalka.