Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galay Shir looga hadlayay Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galay Shir looga hadlayay Amniga Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 15 January, 2018—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka oo lagu gor-feynayay xaaladda amaan ee dalka, Xoojinta xiliga kala guurka iyo Wadashaqeynta hay’addaha amniga ee Beesha Caalamka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayay qorshaha diyaarinta ciidankii la waregi lahaa amniga dalka , kuwaaso oo badeli doona ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika, dawladda Soomaaliyeedna ka caawiyay sidii ay dib ugu soo ceshen lahayd amaankeeda. Waxaana la isku af-gartay in howshan bilowga ah aysan noqon mid fadhiida.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, oo markii uu shirka dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo shirki Afartii Bishii December ee sanadkii 2017 ka lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay amniga Qaranka. Waxuu kaloo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhamaaday jawi isfahan, iyadoo ay beesha caalamka balan qaaday in ay bixin doonto dhaqalaha iyo qalabaynta ciidanka military ee Soomaaliya kuwaas oo la waregaya guud ahaan amaanka Soomaaliya.

Mudane Ducaale wuxuu kaloo sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamadda AMISOM, iyagoo kaashanay shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kalena waxuu tilmaamay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan shaqadii ay ciidanmadda Midowga Africa ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka, wuxuuna ka mahad celiyay doorkii ay Beesha Caalamka ka qaadatay sugida amniga dalka.

-DHAMAAD-

Previous Post

Guddoomiye Taabit oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Next Post
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In