Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo ku aaddan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo ku aaddan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ay barbar socotay qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed

Next Post

Masar oo iska fogeeysay eed loo soo jeediyay

Next Post
Masar oo iska fogeeysay eed loo soo jeediyay

Masar oo iska fogeeysay eed loo soo jeediyay

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In