Friday, August 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo soo dhaweyay aqbalaadda madaxweynaha ee shaqo ka joojinta Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin

caqiil by caqiil
September 8, 2021
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha XFS oo soo dhaweyay aqbalaadda madaxweynaha ee shaqo ka joojinta Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhaweeyay Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

Related posts

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

August 8, 2025
Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

August 8, 2025

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.

Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax.

Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah.

 

Previous Post

Waa kuma Maxamed Xasan Akhund – madaxa xukuumadda cusub ee Taliban?

Next Post

Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha Xukuumadda cusub ee Afganistaan

Next Post
Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha Xukuumadda cusub ee Afganistaan

Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha Xukuumadda cusub ee Afganistaan

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

August 8, 2025
0

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj oo ka qeybgalay kulanka todobaadka  waraahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal...

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

August 8, 2025
0

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay...

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

August 7, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo caawa howlgal qorsheysan ka wada deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

August 7, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In