Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay Xildhbaan Yuusuf Dirir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Doha Qadar halkaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, 24. May, 2015—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay xildhibaan Yusuf Dirir, kaas oo ka dhacay agagaarka Hotel Maka-Al-Mukarama.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

“Marxuumku wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka 10-kii sano ee ugu danbeeyey, wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, waxaana halkaan tacisi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Xildhibaanada Baarlamaanka, iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed dilkii loo gaystay Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi, waxaana ilaahay uga baryeeyna inuu Janadiisa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo ehelkiisa” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qaabka uu u dhacay dilkaan ay si faahfaahsan u soo gudbin doonaan, “Hay’adaha Amniga waxay sameeyeen baaritaano horudhaca ah oo ay ku ogaanayaan qaabka u dhacay dilka Xildhibaanka, waxayna u soo gudbinayaan shacabka iyadoo faahfaahsan, Waxaana ku boorinayaa laamaha amniga iney xoojiyaan amaanka xildhibaanada, masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri mar kale RW Cumar.

Dhanka kale shir ay xalay isugu yimaadeen hay’adaha amniga oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa looga hadlay dhacdadii uu ku geeriyooday Allaha ha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo darawalkiisa kuna dhaawacmeen askari boolis ah iyo lix ka tirsam ciidanka milateriga, wuxuuna Ra’iisul Wasaare ku xigeenku tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaanku.

—DHAMAAD—

Previous Post

Kenya oo markale bilaabaysa dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab ku jira

Next Post

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Next Post
Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In