Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u baxay dalka Mareykanka “SAWIRR”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u baxay dalka Mareykanka “SAWIRR”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18, September, 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb gali doono shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Mudane Khayre oo safarka ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo madax kale ayaa garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradaha rakaabka qaada, si loo ilaaliyo hantida qaranka iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jirey safarada madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu sugan yahay dalka Mareykanka sidoo kale la kulmi doono qaar kamid ah hoggaamiyaasha Caalamka ee shirka ka soo qeyb galaya.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane Yusuf Garaad Cumar ayaa ka qeybgalay shirka dalalka caalamka Islaamka iyo Mareykanka oo sanadkasta la qabto ka hor shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu Yusuf Garaad ku sheegay in shirkan la qabanayay 15 sano ee u dambeeyay isla markaana ay maalgeliso dowladda Qatar.

“Maanta aniga oo wakiil ka ah Madaxweynaha ayaan Soomaaliya ku matalay Madasha Muslimka iyo Mareykanka oo sannadkiiba mar la qabto,” ayuu sheegay Yusuf Garaad.

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ka qeybgalka shirkaas ku wehliyeen danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay Abuukar D. Cusmaan iyo danjiraha Soomaaliya ee London C/raxmaan Ceynte.

Madaxda dalalka caalamka Islaamka ee shirkaas ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamed Al Thani iyo madax kale. 

 

Previous Post

Maamulka gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Next Post

Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Next Post
Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In