Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u baxay dalka Mareykanka “SAWIRR”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u baxay dalka Mareykanka “SAWIRR”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18, September, 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb gali doono shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mudane Khayre oo safarka ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo madax kale ayaa garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradaha rakaabka qaada, si loo ilaaliyo hantida qaranka iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jirey safarada madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu sugan yahay dalka Mareykanka sidoo kale la kulmi doono qaar kamid ah hoggaamiyaasha Caalamka ee shirka ka soo qeyb galaya.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane Yusuf Garaad Cumar ayaa ka qeybgalay shirka dalalka caalamka Islaamka iyo Mareykanka oo sanadkasta la qabto ka hor shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu Yusuf Garaad ku sheegay in shirkan la qabanayay 15 sano ee u dambeeyay isla markaana ay maalgeliso dowladda Qatar.

“Maanta aniga oo wakiil ka ah Madaxweynaha ayaan Soomaaliya ku matalay Madasha Muslimka iyo Mareykanka oo sannadkiiba mar la qabto,” ayuu sheegay Yusuf Garaad.

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ka qeybgalka shirkaas ku wehliyeen danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay Abuukar D. Cusmaan iyo danjiraha Soomaaliya ee London C/raxmaan Ceynte.

Madaxda dalalka caalamka Islaamka ee shirkaas ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamed Al Thani iyo madax kale. 

Previous Post

Maamulka gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Next Post

Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Next Post
Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In