Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Isbitaalka Xoogga Ku Booqday Askartii Dhaawacyadu Ku Gaareen Difaacidda Qarannimada

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Isbitaalka Xoogga Ku Booqday Askartii Dhaawacyadu Ku Gaareen Difaacidda Qarannimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.

Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaareen badbaadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga suganyihiin

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Maalinta caalamiga ee Afka hooyo oo Muqdisho laga xusay

Next Post

Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Next Post
Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In