Thursday, September 28, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Isbitaalka Xoogga Ku Booqday Askartii Dhaawacyadu Ku Gaareen Difaacidda Qarannimada

caqiil by caqiil
February 20, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Isbitaalka Xoogga Ku Booqday Askartii Dhaawacyadu Ku Gaareen Difaacidda Qarannimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.

Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaareen badbaadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga suganyihiin

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Maalinta caalamiga ee Afka hooyo oo Muqdisho laga xusay

Next Post

Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Next Post
Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Wasiirka maaliyada oo maanta ka qeeb galay bandhigga warbixinta canshuuraha barriga ee 2020

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

September 27, 2023
0

1- The President of the Federal Republic of Somalia, Mr. Hassan Sheikh Mohamud met in Djibouti with the Minister of...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana...

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

September 27, 2023
0

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In