Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Cayaaro lagu maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Cayaaro lagu maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka.

Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan oo dalku soo kabanayo iyo marxaladihii adkaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in cayaartani muujinayso sida ay dadka Soomaaliyeed uga soo jeesteen colaadihii daashaday, isla markaana diyaar u yihiin ka faaiideysiga xirfadahooda.

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashada

Next Post

Qatar oo cambaareysay qaraxii shalay

Next Post
Qaybo ka mid ah xabsiga dhexe oo dib loo dhisayo

Qatar oo cambaareysay qaraxii shalay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In