Thursday, September 28, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
December 15, 2019
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayreayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023

Dowrka Ganacsatada

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka.

“Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Isgaariinta Casriga Ah

“Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa.

Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha.

Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha.

Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale.

    

Previous Post

Strong quake in southern Philippines kills one, injures several

Next Post

Shir u gaar ah Haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay

Next Post
Shir u gaar ah Haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay

Shir u gaar ah Haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

September 27, 2023
0

1- The President of the Federal Republic of Somalia, Mr. Hassan Sheikh Mohamud met in Djibouti with the Minister of...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana...

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

September 27, 2023
0

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In