Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raiisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xarunta C.I.D oo dib u dayactir lagu sameeyey +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Raiisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xarunta C.I.D oo dib u dayactir lagu sameeyey +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarigga ka jaray xaruunta dembi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D,oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Xarunta hoggaanka Baarista dembiyada  ee C.I.D ayaa lagu dayac diray barnaamijka isxilqaan oo ah mid lagu dhisayo xaruumaha Dowladda iskaa wax u qabso.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeer ku sameeyey guud ahaan qeybaha ay ka koobantahay xarunta sida qaybaha ay yalaan qalabka lagu  baaro Fal dembiyeedyada, kuwa lagu ogaado nuucyada qaraxyada oo casri ah iyo 6 Gaadiid ah oo cusub waa oo uu leeyahay hoggaanka C.I.D.

Wasiirka Amniga Qaranka  ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar islow (Ducaale)ayaa tilmaamay in wasaaradda amniga ay wax lagu faano u tahay in  ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay noqdaan  hormuudka barnamijka isxilqaan.

munaasabada kooban oo loogu mahadceliyey taliska Booliska Soomaaliyeed oo xarunta C.I.D ku dayac tiray barnaamijka isxilqaan waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare  ee dalka , wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Amniga , xildhibaano,guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sarakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida,Taliyaasha Ciidanka Boliska iyo Asluubta,waxaana dhamana mas’uuliyiintii ka qeybgashey ay ku ammaaneen hoggaanka C.I.D sida uu isugu xilqaamay dhismaha xaruntaasi.

Baashi Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Dalka ayaa dhankiisa booliska Soomaaliyed ugu hambalyeeyey dowrkooda dhismaha dalka,gaar ahaan  dayactirka xaruuntan,wuxuuna xusay in dhismaha xaruntani ay ka qayb qaadanayso tayada hoggaanka C.I.D oo tiir muhiim u ah garsoorka iyo Cadaaladda.

Hoggaanka baarista dembiyada oo ka mid ah hoggaanada ugu muhiimsan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isku xirta hay’addaha garsooorka , cadaadlladda iyo Nabad galyada,waana halka ay ka soo bilaabato barista dacwad ciqabeed kasta.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo saartay Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka.

Next Post

RW Khayre: Booliisku waa in uu deg deg ah u fuliyaa go’aanada Maxkamadaha

Next Post
RW Khayre: Booliisku waa in uu deg deg ah u fuliyaa go’aanada Maxkamadaha

RW Khayre: Booliisku waa in uu deg deg ah u fuliyaa go'aanada Maxkamadaha

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In