Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waa lama huraan in Soomaaliya ay ku soo noqoto Saaxadda Caalamka.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 26, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 26 January 2018–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.

Isagoo ka hadlayay kulan maanta ku qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya, wuxu yidhi mudane Khayre “Dowladda Soomaaliyeed way ka go’antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u-habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ay u baahanyihiin hanti .”

Related posts

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025

“Soomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheegu xaddidan yahay culayska daynta ay dhaxashayna uu gaadhsiisan yahay ilaa   lix bilyan oo doolar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre,  isaga oo hoosta ka xariiqay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xidhiidhka hay’adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.”

“Xukuumaddaydu waxay ku howlantahay la shaqaynta hay’adahaas waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joogtayso xidhiidhka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada,” ayuu yidhi, isagoo timaamaya in uu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.

Isaga ku ammaanaya ganacsatada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka, wuxu yidhi: “In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadaha  gaarka  loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay  si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku-ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.

Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.

“Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan .”

Waxa kale ee uu sheegay Mudane Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.

Mudane Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayraadka dalkeena, waxaa Soomaaliya u suurto geli doonta in aysan ka wel-welin helitaanka cuntada, abuurista shaqooyinka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo in ay gacan ka geysato ganacsiga caalamiga ah.

Waxa kale ee uu sheegay in ay samayeen bartilmaameed lagu yareynayo saboolnimada iyada oo la adeegsanayo hirgelinta marin-raacyo lagama maarmaan ah, qaab-sharciyeedo iyo jawi maalgashi oo cusub.

“Soomaaliya, waxay diyaar u tahay inay dib u bilaabato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay noqoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweynta Hindiya iyo badda Cas,” ayuu yidhi Mudane Khayre.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya oo shacabkeena u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faa’iidaysan karto fursadaha jira, fulin karto siyaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto.

“Adeegyada ay bixin karto waxa ka mid ah waxbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufsado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi,” ayuu yidhi Mudane Khayre, wuxu raaciyey in dawladdu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sugida amniga iyo isbedelo siyaasadeed iyo kuwo dastuuriya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay madaxda sare ee hay’adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka ee shirka ka soo qayb galay, waxaana ka mida ahaa Christine Lagarde oo ah Madaxa IMF, Kristalina Georgieva, Madaxa Agaasimaha Bangiga Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika, Madaxa WEF Borge Brende iyo sidoo kale Madaxda waddamo dhawr ah sida Ra’iisul Wasaaraha Norway Ernest Solberg, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka ahnaWasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arkady Dvorkovich, Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, iyo kuwa kale.

Waa markii ugu horaysay uu wafti Soomaaliyeed ka qaybgalo shirkan  caalamiga ah ee Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka (WEF2018) ee lagu qabto magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Previous Post

Aqoon kororsi ku aadan Dalxiiska Qaaradda Afrika oo lagu soo gabo gabeeyay Masar “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso; Warka Subax ee Radio Muqdhiso

Next Post
Dhageyso; Warka Subax ee  Radio Muqdhiso

Dhageyso; Warka Subax ee Radio Muqdhiso

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In