Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka tacsiyeeyay geerida danjire C/laahi Saciid

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun.

Ra’iisulwsaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, waxaa uu tacsi u direyaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee danjire C/laahi Saciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Allaha u naxariistee, danjire C/laahi Saciid Cismaan oo ahaa danjirihii ugu horeeyay oo Soomaaliya u fadhiyi jirey magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026

Danjire C/laahi Saciid Cismaan, wuxuu ka soo noqday dawladii Sooomaaliya 1966 ilaa 1976-dii garyaqaankii qaranka iyo agaasimihii guud ee Wasaaradda Cadaalada, Allaha u naxariistee ka dib wuxuu noqday sanadkii 1976 Ergayga joogtada ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Geneva.

Ambassadorka ayaa sidoo kale wuxuu ahaa ergaygii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobay ee ku u taal magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Marxuumku isaga oo matalaya Soomaaliya wuxuu u tartamay kuna guulaystay ku- xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika sanadkii 1991 -1996kii.

Danjire Cabdilaahi Siciid wuxuu ahaa khabiir dhanka Qaanuunka oo lagala tashan jiray arrimaha caddaalada iyo diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Afrikaba.

Intuu uu hayay jagada ku xigeenka Midawga Afrika wuxuu qayb wayn ka qaatay diyaarinta barnaamijka hada lagu shaqeeyo ee Xalinta Khilaafaadka AUda
Waxay shacabka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan danjire Cabdilaahi dajinta qaanunka iyo xeel dheeridii dhinaca dublamaasiyada.

Marxuumka waxaa uu ifka kaga tagay Xaas iyo seddex carruur ah, waxaanan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Xaaskiisa Khadra Maaxmed Rodol iyo caruurtiisa Maxamed, Cumar, iyo Naasir , ehelkii, qaraabadii iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Sh.Cismaan Rabi samir iyo iimaan ha ka siiyo Marxuumkana naxariistii jano Alle ha ugu deeqo.

Previous Post

Sweden oo 80 kun oo ruux ka musaafurin doono dalkeeda

Next Post

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan

Next Post
DEG DEG-Go’aan ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee doorashada 2016-ka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In