Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee Howlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee Howlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka cusub ee Xanaanada Xoolaha mudane Maxamed Aadan Macallin, kuwaas oo uu dhawaan xilalkooda isku shaandheeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Howlaha guud oo ay ka qeyb galeyn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka , Xildhibaanno, madax ka socotay xafiiska Hanti-dhowrka iyo Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ayey ugu horeyn Agaasimaaysha Guud ee labada Wasaaradood ku soo bandhigeen macluumaad ku saabsan wax qabadka labada Wasiir muddadii ay xilalka kala hayeyn.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Wasiirka Cusub ee Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa xusay in muddadii uu hayey xilka Wasaradda Howlaha Guud ay u suurogshay dardargelinta howlaha baaxada leh ee looga fadhiyay Wasaaradda, sida mashaariicyo kala duwan oo dhanka dhismaha ah, maadaama uu dalku u gudbay marxalada dib u dhiska, loona baahanyahay in horumarin lagu sameeyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dib loo dhiso xaruumaha dowladda.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo horey u ahaa Wasiirka Xanaanda xoolaha dhawaana uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa ugu horeyn ballanqaaday inuu sii laba jibaari doono shaqada hufan ee uu Qaranka u hayo, wuxuuna dhinaca kale xusay in muddadii uu joogay ay ku guuleysteyn inay sare u qaadaan dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo sanadkii hore gaaray Seddex Milyan iyo Boqol kun oo aysan ku jirin xoolaha xajka, Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay inay u suurogashay in dowladda Sacuudiga kala heshiiyaan In hada wixii ka dambeeya ay si joogta u dhoofsadaan Xoolaha Soomaaliya, iyadoo aysan jiri doonin wax shuruud ah marka laga soo tago in la Talaali doono Xoolaha, islamrakaana ay rajeenayaan inuu Sacuudiga sanadkiiba dhoofsan doono ku dhawaad Lix Milyan oo neef, taas oo fursad weyn u noqon doonta Xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed oo xilalka ku kala wareejiyay Labada Wasiir ayaa kula dardaarmay inay sii kordhiyaan shaqada ay Qaranka u hayaan maadama labada Wasaarood ay ka midyihiin kuwa dalka ugu muhiimsan.

Previous Post

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan wacyi gelinta xaalufinta dhirta oo lagu qabatay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo ka soctay Baydhabo oo soo gabagaboowday

Next Post
Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

Doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo ka soctay Baydhabo oo soo gabagaboowday

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In