Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Oo Furay Shirweynaha Qaran Ee Warbixinta Qiimeynta Khataraha Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Oo Furay Shirweynaha Qaran Ee Warbixinta Qiimeynta Khataraha Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee warbixinta qiimeynta khataraha lacag dhaqidda (Money Laundry) iyo Maalgelinta argagixisada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa uga mahad celiyay  Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (Financial Reporting Centre) ee  FRC howshan adag ee ay wadday  labadii sano ee la soo dhaafay ee soo ururinta iyo diyaarinta warbixinta qiimeynta Khataraha Qaran iyadoo diyaarinta  Warbixinta u kaashaneysa  Khubaro Soomaaliyeed.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa sheegay in warbixintani qayb ka tahay nidaamka Deyn Cafinta dalka ee inagala dhaxeeya Hay’adaha Lacagta Adduunka Iyo Baanka Adduunka.

Mudane Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno sidii natiijo wax ku ool ah looga gaari lahaa howshan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa si gaar ah ula dardaarmay xubnaha Guddiga Qaran ee ka hortaga Lacag dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (National Anti-Money Laundry Committee) iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh in ay xil iska saaraan dhamseystirka warbixinta qiimeynta khataraha Qaran ee lacag dhaqista iyo maalgalinta argagixisada.

Mudane Mahdi ayaa gabagabada u mahadceliyay Guddiga Qaran ee NAMLC iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (Financial Reporting Center) oo soo abaabushay shir weynaha qiimeynta khataraha Lacag dhaqida & Maal-gelinta Argagixisada (National Risk Assesment) iyo dhammaan hay’adihii kale oo ka soo shaqeeyey Warbixinta lagu qiimeynayo khataraha lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada.

Previous Post

Maxkamada Ciidamada qeybta 60-aad oo xukun ku riday Askari Boolis ah.

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda Galmudug oo ka warbixiyay adeegyada Garsoorka

Next Post
Dowlad Goboleedka Galmudug oo Ka tacsiyeysay gumaadkii shalay ka dhacay isgoska Zoope malagada Muqdisho

Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda Galmudug oo ka warbixiyay adeegyada Garsoorka

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In