Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulanka uu la qaatay madaxa Hay’adda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi, waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigenka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana kulanka looga hadlay sidii qaxootiga ku nool gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, gaar ahaan xerada Dhabaab waxloogu qaban lahaa, kahor inta aan dalkooda dib loogu soo celin.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa la isku afgartay in qaxootiga loo sameeyo qorshe waxa ay u baahanyihiin loogu sameynayo, iyadoo aan si qasab ahna dalkooda loogu soo celin doonin, inta ka horeysa loo dhameystirayo adeegyada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka kulanka kadib ayaa sheegay in kulanka uu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana uu dabo socdo heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu la saxiixday dhigiisa Kenya eek u aadanaa arrimaha qaxootiga..

“Madaxa UNHCR oo booqasho ku yimid dalka, isagoo u kuurgalaya oo donaya inan ka wada hadalno qaxootiga ee xeryaha dhadhabab, sida aad la socotaan heshiis labo geesood ayaa jirtay oo ya kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, kaasi oo ku saabsanaa in laga wada shaqeyn lahaa arrimaha qaxootiga iyo sidii ay u suurta geli lahayd, waxaana ka wada hadalnay in loo sameeyo waxyaabaha ay u baahanyihiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskii saddex geesoodkla ah ee ay kal hore kala saxiixdeen dowlaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda UNHCR uu ku egyahay bisha November, isla markaana ay qorsheynayaan sidii muddo kordhin loogu sameyn laaha..

“In la ilaaliyo heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga way jirtaa, waxaa kalo jirto heshiis saddex geesood ah oo kalhore ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda UNHCR, kaasi oo ku eg bisha November oo ay ku cadyihiin arrimaha qaxootiga, waxaan rabnaa inaan markale cusbooneysiino oo aan muddo kordhin u sameyno, laakiin muddo kordhinta aysan noqon mid la iska fadhiisto oo waxaa la sameyaa in laga howlgalo si ay mira dhal u noqoto”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

DSC05159 DSC05160 DSC05161 DSC05162 DSC05163 DSC05164 DSC05167 DSC05168 DSC05170 DSC05171

 

Previous Post

Madaxweynaha iyo Madaxa UNCHR oo ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida iyo barakaceyaasha “SAWIRRO”

Next Post

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Next Post
Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In