Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulanka uu la qaatay madaxa Hay’adda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi, waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigenka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana kulanka looga hadlay sidii qaxootiga ku nool gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, gaar ahaan xerada Dhabaab waxloogu qaban lahaa, kahor inta aan dalkooda dib loogu soo celin.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa la isku afgartay in qaxootiga loo sameeyo qorshe waxa ay u baahanyihiin loogu sameynayo, iyadoo aan si qasab ahna dalkooda loogu soo celin doonin, inta ka horeysa loo dhameystirayo adeegyada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka kulanka kadib ayaa sheegay in kulanka uu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana uu dabo socdo heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu la saxiixday dhigiisa Kenya eek u aadanaa arrimaha qaxootiga..

“Madaxa UNHCR oo booqasho ku yimid dalka, isagoo u kuurgalaya oo donaya inan ka wada hadalno qaxootiga ee xeryaha dhadhabab, sida aad la socotaan heshiis labo geesood ayaa jirtay oo ya kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, kaasi oo ku saabsanaa in laga wada shaqeyn lahaa arrimaha qaxootiga iyo sidii ay u suurta geli lahayd, waxaana ka wada hadalnay in loo sameeyo waxyaabaha ay u baahanyihiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskii saddex geesoodkla ah ee ay kal hore kala saxiixdeen dowlaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda UNHCR uu ku egyahay bisha November, isla markaana ay qorsheynayaan sidii muddo kordhin loogu sameyn laaha..

“In la ilaaliyo heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga way jirtaa, waxaa kalo jirto heshiis saddex geesood ah oo kalhore ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda UNHCR, kaasi oo ku eg bisha November oo ay ku cadyihiin arrimaha qaxootiga, waxaan rabnaa inaan markale cusbooneysiino oo aan muddo kordhin u sameyno, laakiin muddo kordhinta aysan noqon mid la iska fadhiisto oo waxaa la sameyaa in laga howlgalo si ay mira dhal u noqoto”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

DSC05159 DSC05160 DSC05161 DSC05162 DSC05163 DSC05164 DSC05167 DSC05168 DSC05170 DSC05171

Previous Post

Madaxweynaha iyo Madaxa UNCHR oo ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida iyo barakaceyaasha “SAWIRRO”

Next Post

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Next Post
Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In