Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo Madaxda galmudug la kulmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo Madaxda galmudug la kulmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IMG_2805

Wafdigan uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ay ku wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Amniga Cabdinaasir Maxamed Cali iyo saraakiil ciidan ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado waxaa halkasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Dowlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta maamulkasi iyo sarakiil ciidan, waxaana kulanka diirada lagu saaray qabyo qoraalka Siyaasadda Amniga Qaranka iyo arrimo kale oo dhanka ammaanka quseeya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa saxaafadda ugu horeyn la hadlay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal oo sheegay in wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ay isku afgarteen arrimo badan oo dhanka Nabadgelyada ah, kuwaasi oo ay ka midyihiin ilaalinta xeebaha, xoojinta amniga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in socdaalka ay ku tegeen Cadaado uu qeyb ka ah wadatashiyada lala yeelanayo dowlad goboleedyada ee ku aadan siyaasadda amniga Qarnka.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha qabyo qoraalka Siyaasadda Amniga Qaranka, ilaalinta xeebaha dalka, waxaana ay aragtiyo ka dhiibteen siyaasadda Amniga Qaranka, iyadoo ay jirtay horey shirar ay wada qaateen madaxda Wasiirada Arrimaha gudaha heer Federaal iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug, kuwaasi oo arrimaha amniga la isla meel dhigay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.
Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo socdaal labo maalin qaatay ku soo maray magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

IMG_2733 IMG_2734  IMG_2740 IMG_2742 IMG_2746 IMG_2747 IMG_2748 IMG_2749 IMG_2751  IMG_2756 IMG_2758 IMG_2760 IMG_2763 IMG_2764 IMG_2766 IMG_2767 IMG_2772 IMG_2774 IMG_2775 IMG_2777 IMG_2778 IMG_2779   IMG_2786     IMG_2799 IMG_2800 IMG_2801 IMG_2802 IMG_2803 IMG_2805 IMG_2806 IMG_2807   IMG_2813 IMG_2814 IMG_2817 IMG_2819   IMG_2824 IMG_2827  IMG_2829   IMG_2838 IMG_2841  IMG_2843  IMG_2845  IMG_2847 IMG_2849 IMG_2853  IMG_2859  IMG_2865 IMG_2866 IMG_2869  IMG_2874 IMG_2877 IMG_2880 IMG_2881  IMG_2883    IMG_2887  IMG_2892 IMG_2893

Previous Post

Warbixin ku saabsan Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta Boondheere+Sawirro

Next Post

Cabdulle Xasan Nuur oo loo magacaabay wasiiru dowle in uu ka noqday maamulka Galmudug

Next Post
Cabdulle Xasan Nuur oo loo magacaabay wasiiru dowle in uu ka noqday maamulka Galmudug

Cabdulle Xasan Nuur oo loo magacaabay wasiiru dowle in uu ka noqday maamulka Galmudug

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In