Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin ku saabsan Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta Boondheere+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Warbixin ku saabsan Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta Boondheere+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inkesta oo marxaladaha qaar ee aadka u adag ee uu aadunuhu mar laga yaabo in noloshiisa ay soo marto si gaara carruurta, waxase dhacda isma dhaanto kan waalidkiisa ay u joogaan iyo kan kale kol haddii kan waalidka lihi uusan ubadkiisa wax tari Karin, laakiin carruurta ay labadiisa waalid ama mid u dhintay weli tabasho badan ayuu qabaa waxa uuna isu arkaan ilmo rajo aan lahayn, balse sidaas oo dhan cagsigeeda ayaa la arkaa oo ay dhacda.

Anagoo og in bur-burkii dawladdii dhexe kadib, dalkeenu uu wajahay gaajo, cuduro, dagaalo sokeeye iyo kan fitnada ah ee magaca diinta huwan oo dhamaantood sababeen dhimashada kuman-kun oo dadkeena ah, kuwaas oo si gaar ah u agoonteeyey dhalaan badan oo Soomaaliyeed oo ku nool guud ahaan dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Balse waxaa jira carruur agooman ah oo nasiib u helay in noloshooda iyo waxbarashadooda la damaanad qaado kuwaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed, ama hay’addo maxali ah gunta dhiisha isaga dhigay sidii ay uga hiilin lahaayeen u gurmashada qayb kamida agoontaas, waxaana ay qaarkood taageero dhaqaale uga helaan dawladaha khaliijka.

Si aan wax uga ogaado nolosha carruurta agoonta magaalada Muqdisho, waxa aan bartamihii bishii April booqasho ku bixiyey dugsiga xanaanada hablaha agoonta ee Boondheere, isla degmadas ayey xaruntaasi ku taalaa, waxaana ku sugan 450 gabdhood oo 150 kamida ay yihiin agoomo waalidkooda mid ama labadaba ay dhinteen.

Maamulaha Xarunta Boondheere, Marwo Nuurto Maxamed Caddow ayaa ii sheegtay in xarunta la furay sannadkii 2012-kii ayna dawlada Turkiga kaalin ku lahayd furitaankiisa barigaasi balse hadda ganacsato Soomaaliyeed oo aan badnayd ku saacido xarunta dhaqaale lacageed ayna nolosha hablahaas ay aad u uga wanaagsan tahay noloshadoodii hore.

“Waxan haynaa 450 gabdhood, 150 waa gabdho agoon ah oo xarunta si gaar ah mas’uuliyad iskaga saartay, waxbarashadooda, jiifkooda, caafimaadkooda, cuntadooda, 3-dex wakhti bay wax cunaan, 100 waa haween aan waxbarno kaliya, 200 gabdhoodna waa kuwa qoyskooda aanay waxbarasho u awoodin, anaga ayaa hayno, dhinaca manhajka waxbarasho iyo macalimiinta waxaa naga saacida wasaarada Waxbarashada, waxaa jira macalimiin kale aan anaga iska debarno kuwaasi quraanka ,tarbiyada iyo farshaxanka bara ardada, ganacsato Soomaali ah ayaa bishii nagu saacido $2000, Alle baa nagu garab galla”, Nurta Maxamed ayaa sidaa tiri.

Maamulaha dugsiga ayaa ii sheegtay hablahan agoonta qaarkood loo tababaray soo dhaweynta madaxda sare ee dalkeena soo booqda oo la baray heeso, nashiidooyin iyo sida loo garaacaba ayna mararka qaar qarash ku bixiso in abwaano ay heeso u curiyaan si fankana ay kaalin uga yeeshaan waxaa hablahaas la yiraahdaa ‘Ubaxa Boondheere’, waxan laftooda uga gallay fasal kamida iskuulka oo markaas ay kujirtay fanaanada Caanka ah Muslimo Khaasim Hilowle oo si gaar ah u carbisay gabdhaha agoonta ah.

“Ubaxa Bondhere waxa ay soo dhaweeyeen Xoghayaha QM Banki-moon, Madaxweynaha Turkiga Erdogan, Madaxweynaha Jabuti, Ismacil Cumar Gele iyo mas’uuliyiin kale oo badan ayey eeraboorka ku soo dhaweeyeen, waxaa sidoo kale ay soo jiiteen dareenka madaxdii ka qayb gallaysay munasabadii Akademiye Gobaleedka Afka Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay horaantii sannadkii hore, si gaar ah Madaxweyne Gelle waxaa loo sheegay in gabdhahan ay agoon yihiin, wuxuuna u balan qaaday in uu u dhisayo guri, wuxuna u dhisay guri ka kooban laba dabaq, jiif iyo waxbarasho u noqda, bisha May ayaa xariga laga jaraa Insha-Allah”,Mumule Nurte ayaa intaasi raacisay.

“Waxan baraa adeegsiga agabka Musikada sida organka waayo waa gabdho awood badan uma lahan adeegsiga agabka kale musika, waxan xifdisiiyaa heesaha wadaniga, iyo kuwa turjumayo nabbadda, waxbarashada iyo jacaylka, dhamaan waxay gudbinayaan fariimo wanaagsan oo saameyn ku leh nolosheena, waxan jecel nahay inaan soo saarno hablo da’yar oo faniin ah”,Muslim Khasim Hilowle ayaa tiri.

Waxa aan sidoo kale la sheekaystay hablaha agoonta ee Ubaxa Boondhere, waxana ay ii sheegeen in nolol fiican iyo waxbarasho ay ku haystaan ayna gallad gaar ah uga hayaan Marwada maamulaha ka ah dugsiga, Nuurto Maxamed Caddow.

Ma ahan mas’uuliyad yar in la kafaalo qaado agoon, waxaana illa haboon in aan da’yarta noocaasi ah ay dadkeenu il gaar ah u yeeshaan kuna saacido dad ku dayashada mudan ee wakhtigooda oo dhan u huray inay u khidmeeyaan carruur aan dugsi kale qabin.

3-3 4-1 5-2 7-3 Carruur2-640x360

W/Q:  Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

 

 

 

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo madaxda Galmudug kula kulmay Cadaado

Next Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo Madaxda galmudug la kulmay “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo Madaxda galmudug la kulmay “SAWIRRO”

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo Madaxda galmudug la kulmay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In