Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ,xubno ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda qorsheynt waxaana looga hadlayay sida Soomaaliya ugu faa’ideysan karto barnaamijyada horumarinta e Midowga Yurub shanta sano ee soo socota.
Furitaanka shirka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Maxamed Cumar Carte Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka waxaa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay siiso Soomaaliya wax badan ay ka caawisay sida dhismaha maamul goboleedyada, ammaanka , waxbarshada iyo arimo kale.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa barnaamijka loo yaqaano 11 EDF ama Sanduuqa horumarinta Midowga Yurub qeybtiisa 11 aad ee Soomaaliya goobta ku soo bandhigtay madaxa gudiga Iskaashiga Midowga Yurub ee Soomaaliya Daria Fane, iyadoo faahfaahisay barnaamijyada lagu taageerayo Soomaaliya shanta sano ee soo socota, waxaana su’aalo ka weydiiyay qaar kamid ah ka qeybgaliyaasha.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamka Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa waxaa uu ka waramayaa waxyaabaha uu xambaarsan yahay barnaamijkan maanta la soo bandhigay ……
Barnaamijka horumarinta Soomaaliya ee Midowga Yurub qeybtiisa 11 aad ayaa waxaa ay soo bilaabaatay sanadkii 2014-ka waxaana sida uu qorshuhu yahay socon doonaa ilaa 2020-ka kaas oo sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay ka duwanan doona barnaamijyadii horey Soomaaliya lagu caawin jirey, dowladda Soomaaliya ayaa yeelan doonta hogaanka iyo hagida barnaamij kasta iyo sida mudnaanta ay ku kala leeyihiin sida uu markale sheegayo C/raxmaan Ceynte wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashaiga Calamka……