Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Brazil, isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In