Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho Ayaa Loo Dhaqaaqayaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho Ayaa Loo Dhaqaaqayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta Heshiiska iyo Habraacyada Doorashooyinka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorasho muujinaysa hor u socodka iyo horumarka dalka, iyadoona Xukuumaddu ay u gudbinaysaa Hay’adaha Qaranka qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta doorashooyinka ee 2020/2021, Taas oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, waxay ku wargalineysaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tanaasulkii iyo xilkasnimadii ee uu sameeyay si loo gaaro heshiisyada la xiriiray arrimaha Doorashooyinka ee ugu dambeeyay heshiiskii bishan Oktoober ee lagu jaan-gooyay Habraaca Doorashooyinka 2020/2021.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyneyaasha Dowlad-gobeeldyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir mas’uuliyadda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka sida deg-degga ah ee ay u sharciyeeyeen heshiiska, ugana guteen waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saarnaa.

Previous Post

Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Kormeeray Xarunta Wasaaradda Dakadaha “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasabadda Dhaqan-Gelinta Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasabadda Dhaqan-Gelinta Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasabadda Dhaqan-Gelinta Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan “SAWIRRO”

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In