Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi in mudda ah ka shaqeynaayay idaacaddii  BBC-da laanteed afka Soomaaliga, isaga oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa magaalada Hargeysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu wariye Cabdirisaaq Xaaji, door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta afka- Soomaaliga, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada, isaga oo tilmaamay in uu ahaa tiir isku xira guud ahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraadabada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Rugcaddaa saxaafadeed Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa”. Ayuu yiri, Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa  Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ugu bishaareeyo, qoyskii, qaraabada, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle ka siiyo.

Previous Post

Xisbullah oo Israel la beegsatay tiro aad u badan oo gantaallo ah

Next Post

Mashruuc indho-fiiqis ah oo ka bilaabatay Isbitaalka Banaadir

Next Post
Daawo Sawirro Qurux badan iyo horumarka Dalka

Mashruuc indho-fiiqis ah oo ka bilaabatay Isbitaalka Banaadir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In