Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ahmiyad aad u weyn uu dhaqaalaha dalka u leeyahay ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirweynaha dhiirigelinta wax soo saarka dalka ee lagu qabtay muqdisho ayaa intaasi ku daray in ay ganacsatadu door aad u weyn ka qaataan kobaca dhaqaalaha dalka maaddaama ay 90%-kiiba yihiin canshuur bixiyayaal kaalin fiican ku leh daqliga dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay dhiiri gelinta, taageerada, suuq u raadinta, toosiso, shuruucna u samayso ganacsiyada gaarka loo leeyahay, maaddaama ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka.
“Haddiiba aan dhaqaale ka hadlayno, suuq xor ah ka hadleyno, waxaa qasab ah in aynu xoogga saarno ganacsiyada gaarka loo leeyahay, inaan cayilinno, inaan ilaalinno, taageerno, suuq u raadinno, shuruuc u dejinno, aan toosinno waa lagama maarmaan”.
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...











