Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in XFS ay dhisayso buundooyinka ku burburay fatahaadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in XFS ay dhisayso buundooyinka ku burburay fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda beni’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo meel fagaaro ah kula hadlay madaxda gobolka iyo shacabka magaalada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto heegan, waxa uu xusay in goobaha la’isaga gudbi waayey ay dowladdu gaarsiisay dooman.

Related posts

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026

“Daadadku weli way socdaan, dadka in ay meeshaan ku soo noqon ayaa loo baahan yahay oo ay ka digtoonaadaan, in la’iska warqabo ayaa loo baahan yahay, illaahay idinkiis waan dadalaaynaa,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in safaro kale uu ku imaan doono magaalooyinka kale ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhisayso buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka bulshada.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka da’een Roobab wata fatahaado iyo dabaylo kuwaas oo saameen ku yeeshay dadka iyo isusocodka, waxaana burbur ku yimid deegaano dhawr ah, iyada oo ay xirmeen qaar ka mid garoomada dalka.

Previous Post

Kulan looga hadlayo Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo ka furmay Jowhar

Next Post

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

Next Post
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In