Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sannadkan kaalinta ugu horreysa ka galay Imtixaankii Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay Hooyo Safiya, dalaalka iyo halganka ay u gashay barbaarinta wiilkeeda, isaga oo ku tilmaamay in ay kaalinta kowaad u gashay Hooyooyinka Soomaaliyeed, halka wiilkeedu uu kaalinta kowaad u galay ardayda Soomaaliyeed, taasi oo ku timid juhdiga hooyo Safiya iyo dadaalka ay galisay waxbarashadiisa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in dadaalka iyo waxbaridda carruurta ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Soomaaliya, taasi oo la doonayo in dadkeenna ay gaaraan isbeddel ku salaysan aqoonta iyo xirfadaha la barayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Haddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan maha, runtii wax aad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya, waxa aan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta kowaad uga horeysay taasi waxa ay cadeynasa sida ay waalidku ugu dadallaan ubadka”.Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre

Mudane Xamsa, waxa uu Hooyo Safiya ku abaallmariyey kaalinta qiimaha badan ee Hooyonnimo shaqaale rasmi ah oo dowladda , halka wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta kowaad ka galay Imtixaanka Qaranka lagu abaallmariyay waxbarasho ay daboolayso dowladda Soomaaliya, iyada oo loo diray halka uu codsado.

Previous Post

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Next Post

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Next Post
Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In