Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raysal Wasaare Khayre oo dhaqaatiirta Soomaaliyeed kala hadlay xakameynta COVID-19

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Raysal Wasaare Khayre oo dhaqaatiirta Soomaaliyeed kala hadlay xakameynta COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga gaashaamanayo COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn dhaqaatiirta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurkaan ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan bed-qabka bulshada waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026

Kulanka oo ay goob joog ka aheyd wasiirka caafimaadka XFS, ayaa lagu soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka, wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga qorshaha looga gaashaamanayo.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta Wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka, wasaaradaha kale ee wada shaqeyntu kala dhexeyso, howl-wadeenna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaybta ka ah howlaha xakameynta iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loogu guuleyso bed-qabka iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran.

Wasiirka Caafimaadka oo kulanka la war bixisay ayaa caddeysay in si aad ah looga wada hadlay sare u qaadidda wacyi-gelinta bulshada iyo Karaantiilka dadka lagu arko astaamaha lagu garto cudurka.

Kulanka intii uu socday waxaa lasoo jeediyay in la adeekyo dhaqan gelinta tillaabooyinka xakameynta ee ay kamidka yihiin yareynta isu imaatinta Dadweynaha iyo Sare u qaadidda Nadaafadda maadaama Ka hor tagga cudurku ay ka wanaagantahay daaweynta.

Tags: Raysal Wasaare Khayre oo dhaqaatiirta Soomaaliyeed kala hadlay xakameynta COVID-19
Previous Post

WAR HADDA SOO DHACAY: Dowladda Soomaaliya oo muddo kooban dib u fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya Dalka

Next Post

Daawo sawirrada goobaha loo dalxiis tego ee Luuq,Gedo

Next Post
Daawo sawirrada goobaha loo dalxiis tego ee Luuq,Gedo

Daawo sawirrada goobaha loo dalxiis tego ee Luuq,Gedo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In