Siminaarkani oo mudada uu socdo lagu baran doono doorka culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dar dar gelinta wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed iyo ka hortaga gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan culimada Soomaaliyeed, iyadoo siminaarkaasi ay soo qaban qaabisay wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dalka, waxaana furitaanka siminaarka ka qeyb galay Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.
Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Kheyrow Aadan ayaa sheegay in maalmaha siminaarkani uu socon doono culimadu ay falanqeyn doonaan doorkooda ku aadan wacyi gelinta bulshada.
Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in culimada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay sii xoojiyaan wacyigalinta bulshada.
Siminaarkan mudo laba maalin ah socon doona ayaa waxaa looga hadli doonaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin in bulshada laga wacyi galiyo gudniinka fircooniga ah.