Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay

admin by admin
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raysalwasaaraha Australia Malcom Turnbull ayaa maanta sheegay inuu iska difaaci doono kooxda ka tirsan xisbigiisa ee dooneysa inuu xilka isaga dego, kadib markii ay iscasileen tiro Wasiiro ah.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Xildhibaanada ka soo horjeed ayaa hogaaminayo Wasiirkii hore ee arrimaha Guddaha Peter Dutton ayaa doonaya inay la wareegaan hogaanka xisbi Xaakimka isla markaana Malcom Turnbull uu isaga dego xilka Raysalwasaaraha.

Talaadadi  codeyn   xisbiga Liberalka ee talada haya uu codka kalsoonida ku helay Raysalwasaare Turnbull, balse maalin kadib ayey xubno kamid ah taageerayaashiisii ku biireen kooxda uu hogaaminayo Mr.Dutton.

Waxaa kamid ah xubnaha hada ku biiray mucaaridkiisa Wasiirka Maaliyada Mathias Cormann kaasi oo xilka iska casilay, isla markaana sheegay in Peter Dutton uu yahay ninka u qalma hogaaminta xisbigaasi kahor intaan la gaarin doorashada guud ee dalkaasi ka dhaceysa sanadka soo socda.

si kastaba Malcolm Turnbull ayaa ka badbaaday mooshin kalsoonida lagala laabanayo oo ay u qaadeen xubnaha xisbiga uu ka tirsan yahay, balse ninka kasoo horjeeda ee Peter Dutton ayaa dalbanaya in mar labaad loo codeeyo, asagoo ku kalsoon in hadda uu taageero ka haysto aqlabiyadda xildhibaannada xisbiga talada haya.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa iscasilay wasiiradda maaliyadda iyo shaqaalaha ee xukuumadda Australia, kuwaasoo doonaya inay ku qasbaan in Malcolm Turnbull uu xilka wareejiyo.

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Australia ayaa filaya in isla maanta uu dalkooda yeelan doono ra’iisal wasaare cusub kaasoo noqon doona kii lixaad ee xilka qabta muddo 10 sano gudahood ah.

 

 

Previous Post

Kooxaha Fanka ee Heegan iyo Onkod oo shacabka kala qeyb galay dabaal degga maalinta labaad ee Ciidul Adxa “SAWIRRO”

Next Post

Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

Next Post
Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In