Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Rugaha Caafimaadka ee guurguura oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Rugaha Caafimaadka ee guurguura oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad ka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Related posts

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee  dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khaliif oo ku hadlay magaca maamul Goboleedyada ayaa xusay inay gawaaridan baahi weyn u qabeyn, isla markaana ay ku qaban doonaan shaqooyinka loogu talogalay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

Previous Post

Shacab uu saameeyay roobabkii ka da’ay Caasimadda oo la gaarsiiyay Dhar iyo Raashin “SAWIRRO”

Next Post

Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In