Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Ruushka Oo La Reebay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 8, 2018
in Ciyaaraha
0
Ruushka Oo La Reebay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka qaranka Croatia ayaa u gudbay wareega afar dhammaadka koobka aduunka ee sanadkaan ka socda dalka Ruushka waxaana uu Gool ku laad afar iyo sadex uu ugu adkaaday marti geliyaha koobka Russia.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa uu qaybtii hore lagu kala nastay 1-1 kadib markii labada dal goosha ay soo taabten min hal jeer, Ruushka oo hogaanka qabtay ayaa waxaa goolka uu ka helay daqiiqadii 31-aad  Denis Cheryshev hase yeeshe waxaa barbareeyay Kramic inta aysan saacada ka gudbin sodonka 1-1 ayaana lagu kala tagay.

Qaybtii danbe oo la isku soo laabtay ayaa waxaa lagu kala tagay 1-1 ayadoo labada dal aysan u suurta gelin in goolal kale ay iska dhaliyaan hase yeeshe sodon oo kala bax ah oo lagu daray ayaa waxaa gool ay heleen  Croatia Vida oo difaaca danbe ugu ciyaara balse daqiiqadihii ugu danbeyay ee sodonka ayaa waxaa barbareyay Mario Fernandez oo sidoo kale Ruushka ugu ciyaarayay difaaca danbe sidaasi waxaa lagu kala tagay 120 daqiiqo oo ay labada dal ciyaaren waxaana loo dhigay Rigorayaal si loo kala saaro 4-3 waxaa lagu qaarijiyay Ruushka oo tageeraha inta ugu badan garoonka lahaa maadama uu yahay marti geliyaha koobka aduunka ayadoo sanadkaan dhamaan kulamada la ciyaaray ee rigorayaalka ku dhamaaday laga adkaaday dhammaan dalalkii bilaabay Tuurasha rigooroyinka.

Croatia ayaa noqday dalkii ugu horeyay ee laba kulan oo kala bax misna is xiga ku adkaada tan iyo sanadkii 1990-kii ayadoo sidoo kale dalka tan iyo sanadkaasi wixii ka danbeyay kulamada sideed dhammaadka koobka aduunka aysan dhicin in dhamaan kulamada la ciyaarayo ay dhammaadan 90-ka daqiiqo ee loogu tala galay waana markii ugu horeysay oo Croatia ay soo gaarto wareega afar dhamaadka ama semi finaal-ka Koobka aduunka 20-sano kadib waxaana maanta oo kale ay ahayd maalintii Croatia ay u gudubtay wareega afarta koobkii dunida ee 1998-dii lagu qabtay dalka Faransiiska xiligaasi oo 3-0 ay ugu adkaaden Jarmalka waxaana ay ahayd xiligaasi sanadkii ugu horeysay oo ay koobka aduunka ka qayb galaan, Brazil ayaa ka adkaatay afar dhammaadka Koobka inkastoo kaalinta sadexaad ay ku dhameysteen balse  20-kadib ayeey soo gaaren halkii ay gaaren 20-sano ka hor Maanta oo kale dalka Croatia

1998-dii Koobkii dunida ee lagu qabtay dalka Faransiiska ayaa dalka Croatia waxaa uu ahaa mid soo gaaray afarta ugu danbeysa ee ciyaarta kulamada loo yaqaan Semi Final-ka xidigihii ugu wanaagsanaa ee dalkaasi u soo baxa ayaana u ciyaraayay Croatia kuwaasi oo laga Xusi karo Simic Bilic Boban iyo wiilkii ku guuleystay gool dhalinta tartanka sanadkaasi Davor Sukar oo weerarka ugu ciyaarayay, haatan 2018 ayuu dalka Croatia helay xidigo u dhigmo kuwii 98-kii waxaana uu soo gaaray halkii ay gaaren wiilashii dahabiga ahaa ee dalkaasi soo maray xiligaasi maanta oo kale 20-sano ka hor balse haatan ayuu dalka Furtay baal cusub oo tariikhi ah waxaana lagu xusi doono baalkaasi Rakitic, Modric, Perisic, Kramic, Rebic, iyo Goolhaye Subasic, waxaana Semi Finaal-ka koobka ay la ciyaari doonan xulka Ingiriiska maalinta Talaadada.

Dalka Ruushka oo koobka marti geliye ka ahaa ayeeysan u suurta gelin in uu gaaro wareega afarta ayadoo dalka South Afrika iyo dalka Mareykanka uu la mid noqday kuwaasi oo koobka marti geliyay balse aanan gaarin wareega afar dhamaadka, Shantii koob ee ugu danbeysay oo koobka marti geliyay ee gaaray afar dhammaadka tartanka ayaa ahaa dalka Italy oo marti gelisay 1990-kii France 1998, South Korea 2002, Germany 2006, iyo Brazil oo marti gelisay 2014, 1994-kii Mareykanka oo marti geliyay iyo South Afrika oo marti gelisay 2010 waxay ku guuldareysteen in ay gaaran wareega afar dhamaadka tartanka waxaana caawa la mid noqday dalka Ruushka.

Croatia waa markii ugu horeysay uu ka adkaado kulan koobka aduunka ah dal koobka marti gelinaya sadex kulan uu la ciyaaray dalalka koobka aduunka marti geliya, 1998-dii waxay ahayd markii ugu horeysay oo Croatia ay ka qayb qaadato koobka aduunka waxaa ka adkaaday dalka Faransiiska, 2014 waxay ahayd markii xigtay oo ay soo gaaran koobka aduunka waxaa ka adkaaday dalka Brazil oo koobka marti gelinayay afar sano ka hor haatan 2018 ayeey ka adkaaden koobka aduunka dalka Ruushka oo marti gelinayay koobka waana markii ugu horeysay oo sidaasi ay dhacdo.

Croatia ayaa dalka labaad ee goolasha ugu badan ka helay ciyaartoy kala duwan sided Ciyaaryahan ayaa shabaqa soo taabtay kaliya dalka Belgium ayaa ah dalka ka badan oo sagaal ciyarayahan goolal ka helay.

Ruushka iyo Croatia afarta gool oo ay iska dhaliyeen sadex ka mid ah waxay ahayeen Madax waana markii ugu horeysay oo sidaasi ay dhacdo kulan ka tirsan koobka aduunka oo laga dhaliya ilaa sadex madax oo goolal ah tan iyo 2002 kolkaasi oo Jarmalka Shan Madax uu ka dhaliyay dalka Sacuudiga oo Sideed iyo waxba uu ugu adkaaday.

 

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo daryeel caafimaad u fidinaya dadkii ku dhaawacmay qarixii Maanta.

Next Post

Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Next Post
Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In