Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay Taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka ka socda iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.