Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka guddiga doorashooyinka Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflado lagu soo bandhigayay wax qabadkii Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo maanta sanad laga joogo markii la dhisay ayaa waxaa ka qeybgalay R/wwasaaraha Xukuumada Somaaliya ,Wasiirada Arimaha gudaha, warfaafinta, xildhibanno ka tirsan baaralamanka federaalka ah, Gudoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay xafladda socotay ayaa R/wasaaraha la guddoonsiiyay shahaaddo sharaf ay ugu talagaleen Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka  iyadoo mas’uuliyiinta Guddiga ay sidookale soo bandhigeen waxyabaihii u qabsoomay muddadii sanadka aheyd ee guddiga uu jiray oo ay ugu muhiimsaneyd tababarro la siiyay xubnaha Guddiga si aqoontooda kor loogu qaado, in la bilaabay dhismaha xarunta cusub ee Guddiga oo noqon doonta meel ka baxsan Madaxtooyada oo hadda ay ku shaqeeyaan, iyo Websiteka Guddiga oo maanta wixii ka dambeeya shaqeyn doona si loogala socdo macluumaadka Doorashooyinka dhacidoona sanadka 2020-ka.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey) ayaa sheegtay in shaqada Gudiigooda ay tahay diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020-ka loona baahan yahay in madaxda Dowladda iyo shacabkaba ay arintaasi kala shaqeeyaan Guddiga.

“Dadka qaar gudigaan in la kala diray ayay la noqotay balse waxaan idiin sheegayaa markale in Guddiga dhawaan la sameeyay ay yihiin kuwa looga gudbayo doorashada dadban ee 2016-ka, lakin anaga waa jirna waana shaqeyneynaa waxaana howsheena ay tahay inaan dalka gaarsiino doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka, balse waxaan ka codsanayaa xukuumadda in la smaeeyo sharcigii doorashooyinka si howsha naloo xilsaaray ay noogu qabsoonto” sidaa ayay tiri Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada guddiga uu ku doonayo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2020-ka, waxayna xildhibaanadu caddeeyeen in guddiga haddii loo madaxbanneeyo shaqadooda ay wadanka gaarsiin karaan doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Somaaliya mudane Maxamed Cabdi xayir “Maareeye” ayaa kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka inay dardargaliyaan shaqada looga fadhiyo oo ah in Doorasho qof iyo cod ah la helo sanadka 2020-ka, islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Xisbiyada siyaasadda iyo Dowlad goboleedyada, taasi oo fududeyneysa in Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka ay si hufan oo caddaalad ah u gutaan waajibaadka horyaala.

R/wasaaraha Xukuumada Somaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay gabagabaadii xafladda ayaa hambalyo iy bogaadin u diray Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka muddadii sanadka aheyd ee ay shaqeynayeen iyo waxqabadka ay la yimaadeen wuxuuna ballanqaaday in Xukuumada ay diyaarineyso sharciga doorashooyinka si Guddiga ay u helaan waddo ay u maraan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

“Anaga hadda waxaan diyaarinay qorshe lagu gaarayo doorashada 2020-ka dheceysa oo ah qof iyo cod, waxaana la tagi doonaa shirka ugu soo horreeya ee madasha qaranka, shirkaasi oo leydinku casumi doono si aad adinkana usoo bandhigtaan qariiradda aad ku howlgaleysaan si loo gaaro doorashada la filayo sanadka 2020-ka”  ayuu yiri R/wasaare Sharmaarke.

 

 

Previous Post

Booliiska Canada oo dilay muwaadin Soomaaliyeed

Next Post

Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Next Post
Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In