Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Kenya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 8, 2015
in Wararka, Xulashada
0
R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Kenya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Kenya, Uhuro Kenyatta ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo uu kula kulmay aqalka  madaxtooyada ee Harambii House ee Nairobi.

Kenyatta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay uga hadleen arrimo badan oo quseeya labada waddan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wuxuu yiri “Waxaan la kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, annigoo kula kulmay aqalka madaxtooyada ee Nairobi”

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale ra’iisal wasaaraha kala hadlay xiriirka u dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoona hadalkiisa intaas ku daray in ay isku raaceen in loo baahan yahay siddii loo dhisi lahaa guddi si mideesan u wadashaqeeya kuwaasoo diirada saara arrimaha quseeya labada waddan.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalaldda ammaanka Soomaaliya iyo tan gobalka.

kulanka ayaa yimid iyadoo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay booqdeen Jimcihii xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee waddanka Kenya halkaasoo ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay nus malyuun kuwaasoo u badan Soomaali.

Dowladda Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR ayaa heshiis seddax geesood ah ku gaaray Nairobi iyagoona isla gartay in si iskood qaxootiga Soomaalida ay dib ugu soo laabtaan waddanka.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay doorka Kenya ee ku aaddan xasilinta Soomaaliya.

uhuru-omar-1 uhuru-omar-2 uhuru-omar-3 uhuru-omar-4 uhuru-omar-5 uhuru-omar-6 uhuru-omar-7

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdishio

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdishio

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In