Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galab kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo waxyeelo xooggan ay kasoo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus  qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.

R/wasaae Kheyre, ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed lala qeybsado murugada iyo dhibaatooyinka kale ee ay dareemeen, kadib qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay isgoyska Soobe, kaas oo geystay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanta.

Mudane Kheyre, waxa uu ku booriyay xubnaa Golaha Wasiirada in ay dadka walaalohood ah  ee ay soo gaartay dhibaatooyinka ay ugu deeqaan dhiig iyo kaalmooyin dhaqaale   oo wax u tara dadkaas, isla markaana ay ku yaboohaan dhaqaale kaaalmo ah

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

Next Post

DHAGEYSO:- Shaqaalaha Dowladda oo la fasay si ay ugu gurmadaan dadka ay saamaysay Musiibadii ka dhacday Muqdisho

Next Post
Dhageyso Faah faahinta qaraxii galabta

DHAGEYSO:- Shaqaalaha Dowladda oo la fasay si ay ugu gurmadaan dadka ay saamaysay Musiibadii ka dhacday Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In