Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare ku xigeenka “waa in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeeenka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaare ku xigenka xukumadda Federaalka ah ee Soomaliya mudane Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa dadkii ku dhawacmay qaraxii 20-kii February ee sanadkaani ka dhacay masjid ku yaalla gudaha Hotel Central ee magalada ayaa sheegay inuu ka bogsaday isla markaana uu dib ugu soo laabtay gudashada waajibaadkiisa qaran.

Mudane Maxamed Cumar Carte oo caafimaad loogu qaaday dalka dibadda ka soo laabtay ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ugu mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay taageero siiyeen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Waxaan ugu horeeyn u mahad celinayaa guud ahan shacabka Soomaliyeed oo mar kasta ila soo xiriiri jiray si ay wax uga ogadaan xaladdayda caafimaad, waxaana u sheegayaa in xaaladayda   caafimaad ay tahay mid wanaagsan , dhaawacu waxa uu iga soo gaaray labada lugood iyo suulka gacanta, hadda waan   fiicanahay” ayuu iri Mudane Carte.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in magaallada Muqdisho ay u baahan tahay in laga xoojiyo qeybta adeegga gurmad degdegga ah, si dadka ay waxyeelladu gaarto ay u helaan gargaarka ay u baahan yihiin ka hor inta aan la geynin goobaha caafimaafka. Arintaasna ay xukuumaddu wax ka qaban doonto.

“Marka ay wax dhacaan, waxaan  loo bahan yahay dad tababaran oo markiiba ka jawaabi kara xaladaha deg degga ah, tusaale ciidanka marka ay galaan meel iyagoo tababaran oo garanaya wax ay qabanayaan waa wax lagama maarmaan ah, waana in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”

Mudane Cumar Carte ayaa tilmaamay in shakhsiyan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarrada ay fulinayaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“aniga wax iska kay badalay majiraan waxaan Allah hortiisia ugu dhaartay ummadda Soomaliyeed inaan wax u qabto” ayuu yiri Ra’isul wasaare ku xigeenku.

Maleeshiyada Argagixisada ah ee AL-Shabaab ayaa bishii February weerar is-miidaamin ah ku qaaday masjid ku yaalla Hotelka Central, halkaas oo ay dadku ku tukanayeen salaadda Jimcaha, in ka badan 30 qof ayaa ku geeriyooday weerarkaasi. Sidoo kale kooxdaan ayaa weerarro la mid ah ka geysta dalka, kuwaas oo ay ku waxyeelleeyaan dad aan waxba galabsan.

 

Previous Post

Wasiiru dowlaha arimaha dibadda oo munaasabad soo dhaweyn ah looga sameeye wadanka Malaysia. SAWIRRO

Next Post

Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO

Next Post
Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO

Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la' ulo u qaybisay - SAWIRRO

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In