Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka X. F. S. oo maanta furay shir lagu qiimaynayey mashaariicda New Deal-ka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka X. F. S. oo maanta furay shir lagu qiimaynayey mashaariicda New Deal-ka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 07, May, 2015……Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa maanta furay shirka billaha ah ee looga hadlo  hanaanka New Deal, waxaana shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Maamulada ka jira dalka, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, Wakiillo matalayey midowga Yurub, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay kamid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo marsiiyey khaanadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxana kamid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

Related posts

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026

“Ujeedka shirkan billaha ah wuxuu ahaa sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka New Deal. Waxaan goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo kamid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii muhim ka ah ee barnaamijka New Deal ku xusnaa, dhaliisha jirta ka sakow ujeedku maahan dowladda Soomaaliya in ay ka baxayso heshiiskii la gaaray 2013, ee waxaan rabnaa in la dar-dar gelino Hannaanka New Deal-ka” ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

“Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan isfaham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalkeena. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena gudbisano, sida aan rabnana naloogu taageero,” ayuu yiri Wasiirka .

Ugu danbeyn. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/raxmaan Caynte,  ayaa sheegay in ay xukuummadda Soomaaliya wado qorshe lagu dar-dar gelinayo barnaamijka New Deal, isla markaana looga faa’iideynayo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay   in ay shacbiga iyo dawladduba aad ugu han-weyn yihiin fa’iidada ka dhalata hannaanka New Deal.

—-DHAMAAD—

IMG_3059 IMG_3061 IMG_3063 IMG_3064 IMG_3065 IMG_3074 IMG_3080 IMG_3089 IMG_3094 IMG_3123

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In