Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga gaboodfallada iyo tacaddiyada loo geysto dadka jilicsan gaar ahaan haweenka iyo caruurta ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dood cilmiyeedka oo labo maalin ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qabtay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed waxaana looga dooday sidii bulshada looga wacyi galin lahaa ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta , ayadoo culimadu ay sheegeen in diinta Islaamku aysan oggoleyn in lagu xadgudbo dadka, gaar ahaan kuwa nugul sida haweenka iyo carruurta.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Qadiijo Cabdilaahi oo ka mid ah mas,uuliyiinta hay’adda CISPO oo soo qabanqaabisay kulankan ayaa sheegtay in kulanku uu qayb ka yahay barnaamijyo wacyigalin ah oo ay la kaashanayaan hay’adda UNICEF.

“Barnaamijkaan waa barnaamij loogu tala galay in culimaa’udiinka Soomaaliya gaar ahaa kuwa degmooyinka Boondheere iyo Yaaqshiid kaas oo loogu talo galay in kor loo sii qaado wacyigalinta bulshada loo sameynaayo oo looga soo horjeeedo tacadiyada galmada tacadiyada ku dhaca dumarka caruurta iyo duqowda barnaamijkaani waa mid labo bari noo socday”ayay tiri Khadiijo.

Qaar ka mid ah culimada diinta Islaamka ee ka qayb galay dood cilmiyeedkaas ayaa waxaa ay ka hadleeen muhiimada iyo qaabka ay tahay in bulshada loogu baraarujiyo in la dhowro haweenka iyo caruurta .

Sidoo kale Sheekh Maxamed Macalin Xuseen ayaa ka hadlay sida ay waajib u tahay in la dhowro karaamada dadka iyo muhiimadda ay diintu siisay.

“Siminaarka aan qaadanay maanta iyo daraad labada maalmood muhiimada uu leeyahay waxyaabaha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa in karaamada bini aadamka la dhowro waxaana la isku dar daarmay in shareecada islaamka lagu dhaqmo dadka aan lagu xadgudbin”ayuu yiri Sheikh Maxamed .

Sidoo kale Sheekh Cali Yuusuf oo ka mid ah culimadii ka qeyb gashay siminaarkan ayaa sheegay in dadku aysan fahansanayn waxa ay diintu ka qabto tacadiyada ay u geysanayaan gabdhaha Soomaaliyeed.

 “Waxyaabaha dadka hadda aan ka wacyi galinay oo aan u sheeegnay inaaney diinta raali ka ahayn waxaa ka mid ah sida gudniinka fircooniga ah gabdhaha jirkooda la iskaga dheelayo awood ay iskaga celiyaana aan lahayn oo si aan sharciga waafaqsaneyn la iskaga isticmaalayo”ayuu yiri Sheikh Cali.

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka X. F. S. oo maanta furay shir lagu qiimaynayey mashaariicda New Deal-ka “Sawirro”

Next Post

Muungaab “Xamar aniga ayaa Xukuma Shiicana Ma ogoli “

Next Post
Muungaab “Xamar aniga ayaa Xukuma Shiicana Ma ogoli “

Muungaab "Xamar aniga ayaa Xukuma Shiicana Ma ogoli "

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In