Tuesday, December 5, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka X. F. S. oo maanta furay shir lagu qiimaynayey mashaariicda New Deal-ka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 7, 2015
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka X. F. S. oo maanta furay shir lagu qiimaynayey mashaariicda New Deal-ka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 07, May, 2015……Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa maanta furay shirka billaha ah ee looga hadlo  hanaanka New Deal, waxaana shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Maamulada ka jira dalka, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, Wakiillo matalayey midowga Yurub, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay kamid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo marsiiyey khaanadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxana kamid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir doceed ka dhacay Imaaraadka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir doceed ka dhacay Imaaraadka

December 5, 2023
Sacuudi Carabiya oo bogaadisay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagixisada

Sacuudi Carabiya oo bogaadisay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagixisada

December 5, 2023

“Ujeedka shirkan billaha ah wuxuu ahaa sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka New Deal. Waxaan goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo kamid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii muhim ka ah ee barnaamijka New Deal ku xusnaa, dhaliisha jirta ka sakow ujeedku maahan dowladda Soomaaliya in ay ka baxayso heshiiskii la gaaray 2013, ee waxaan rabnaa in la dar-dar gelino Hannaanka New Deal-ka” ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

“Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan isfaham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalkeena. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena gudbisano, sida aan rabnana naloogu taageero,” ayuu yiri Wasiirka .

Ugu danbeyn. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/raxmaan Caynte,  ayaa sheegay in ay xukuummadda Soomaaliya wado qorshe lagu dar-dar gelinayo barnaamijka New Deal, isla markaana looga faa’iideynayo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay   in ay shacbiga iyo dawladduba aad ugu han-weyn yihiin fa’iidada ka dhalata hannaanka New Deal.

—-DHAMAAD—

IMG_3059 IMG_3061 IMG_3063 IMG_3064 IMG_3065 IMG_3074 IMG_3080 IMG_3089 IMG_3094 IMG_3123

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Dood cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir doceed ka dhacay Imaaraadka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir doceed ka dhacay Imaaraadka

December 5, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeybgalay Shir duceed  ku saabsanaa...

Sacuudi Carabiya oo bogaadisay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagixisada

Sacuudi Carabiya oo bogaadisay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagixisada

December 5, 2023
0

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan laba...

Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu ku khaarijiyay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu ku khaarijiyay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

December 5, 2023
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanada Mooda-moode & Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana howlgalka lagu dilay horjooge...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

December 5, 2023
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In