Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga iyo Iiraan oo ku hardamaya marin Biyoodka Baabul Mandab

caqiil by caqiil
August 8, 2018
in Wararka
0
Sacuudiga iyo Iiraan oo ku hardamaya marin Biyoodka Baabul Mandab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25-kii Bishii July ee sanadkan, Sacuudi Carabiya  ayaa joojisay shixnadaheedi shidaalka ee mari jiray marinka Babul Mandab kadib markii maraakiibteeda ay weerareen kooxa ka tirsan Xuutiyiinta Yeman ka dagaalama.

marin biyoodka Babul Mandab  ayaa hada u muuqda qayb ka mid ah mushkiladaha u dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo Iiraan, kuwaasi oo ku kala aragti duwan arrimaha gobolka Bariga dhexe.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

sida ay ku waramayaan dadka ka faalooda arrinta Bariga dhexe, hadii uu sii xogeeysta qilaafka Baabul mandab  waxay cariiri gali doona Noolasha 104-ta milyan ee dadka reer Masar, sida uu ku waramaya wargayska Arab Post.

Sacuudi Carabiya ayaa arrinkan ku edeeysay Dowladda Iiraan oo sida ay ku sheegtay bayaan ka soo baxay dhawaan in Iiraan ay doneeysa in marinka Baabul mandab uu noqda mid laga guura oo ay ka wareegtaan marakiibta sida Badeecadaha kala duwan.

kooxaha Xuutiyiinta ayaa ku gudba meel u dhaw Babul Mandab iyo  xeebta Yeman markibta Isbaheysiga ee ay ku rakibanyahiin Booyadaha batroolka ee u safra Bariga Dhexe ilaa Yurub iyaga oo sii maraya Kanaalka Suweys.

Sacuudi Carabiya ayaa go’aansatay in ay dib u soo celiso shixnaddahedii shidaalka kadib markii ay isbahaysiga millatariga ee Yemen  ka dagaalama ee uu Sacuudiga hogaamiyo ay qaadeen weeraro dheeri ah oo lagu beegsanayay saldhigyada Xuutiyiinta.

Sida laga soo xigtay wasiirka tamarta Sacuudi Khaalid Al-Falix, tallaabooyinkan ayaa waxaa loo qaaday sidii loo badbaadin lahaa maraakiibta shixnadaha sida ee laga leeyahay wadamada isbahaysiga ee ku yaal koonfurta Badda Cas.

Wargeyska  Arab Post ayaa shaaca ka qaaday in Sucuudi Carabiya ay ku cadaadineysa Suuqa Saliida adduunka in lagu gacansiiyo dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta ee ka socda Yemen.

intii u bilowday dagaalka Xuutiyiinta ay ku beegsanayaan Marakiibta wadamada Isbaheysiga waxaa lagu waayay qiyaastii 3.8 milyan oo foosto oo saliid ah iyo alaaba kale oo intooda badan  u socday wadamada Yurub, Aasiya iyo Maraykanka.

sida la sadaalinaya tallaabadani waxay horseedi doontaa koror ku yimaada sicirka saliidda, iyadoo Masridana ay ka walwalsanyahiin mushkiladaha ka taagan marin biyoodka Baabul mandab, taas oo hadii ay sii socota si toos ah u kicin doonta qiimaha saliidda qeyba kamid ah caalamka.

Previous Post

Qaxooti Soomaali ah oo laga daadgureeyay dalka Yeman

Next Post

Washington: Waxaan rabnaa isbeddel ku yimaada habdhaqanka Dehraan

Next Post
Washington: Waxaan rabnaa isbeddel ku yimaada habdhaqanka Dehraan

Washington: Waxaan rabnaa isbeddel ku yimaada habdhaqanka Dehraan

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In