Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga oo soo saaray go’aamo khuseeya arrimaha xajka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga oo soo saaray go’aamo khuseeya arrimaha xajka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Sacuudiga, ayaa soo saartay go’aamo ka dhan ah dadka ku xad-gudba awaamiirta Xajka oo  ah xabsi shan iyo toban maalmood, ganaax lacageed oo dhan 10,000 Riyal lacagta Sacuudiga ah iyo masaafurinta dadka lagu qabto iyagoo haysan waraaqaha ogolaanshaha Xajka iyo dal ku galka (Visa).

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga oo adeegsaneysa (hashtag-ka #NoHajjWithout Permit) ee baraha bulshada ayaa ku dhawaaqday in olole amni oo habeen iyo maalin laga sameynayo  magaalada Maka, tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in gacanta lagu soo dhigo kuwa xad-gudba awaamiirta Xajka si loogu qaado sharciga la soo saaray.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in guddiyada maamulka  guud ee hubinta adeega Baasaboorada ay soo saareen go’aano dhowr ah oo dhanka maamulka ah, Kuwaas oo isugu jira 15-maalmood oo xarig ah iyo 10,000 oo Riyal oo lacagta sacuudiga ah.

Go’aanka la soo saaray ayaa khuseeya muwaadiniinta Sucuudiga iyo dad kale ee ajaaniibta ah ee gudashada waajibaadka xajka u tegaya dalkaas.Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada amniga iyo fulinta go’aannada lagu adkeynayo si joogta ah looga sameynayo magaalada Maka si loo soo qabto kuwa sharciga ku xad-gudba looguna gudbiyo hay’adaha awoodda u leh si ay ciqaab adag ugu fuliyaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee ajaaniibta ah in ay u hoggaansamaan oo ay dhowraan awaamiirta iyo shuruucda xajka si martida Alle ay ugu helaan ammaan, badqab, nasteexo iyo in ay ku qancaan gudashada waajibaadka xajka.

Previous Post

Danjire Jabriil Ibraahim oo la kulmay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda UN-Habitat

Next Post

Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Next Post
Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In