Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo Xalay Casho u Sameeysay Ganacsatada Soomaaliyeed”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo Xalay Casho u Sameeysay Ganacsatada Soomaaliyeed”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan casho Sharaf ah oo ay soo qaban qaabisay safaarada dowlada soomaaliya ay ku leedahay dalkani Kenya oo ay ka soo qeyb galeen ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo mas’uuliyiin ka socday bangiga aduunka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi.

Ujeedada kulanka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan mas’uuliyiinta safaarada soomaaliya ay ku leedahay dalkani Kenya ayaa waxa ay ahayd is barasho dhex marta ganacsatada soomaaliyeed ee ka ganacsata Kenya iyo safaarada Soomaaliya iyo waliba sidii ay safaaradu isugu xiri lahayd ganacsatada iyo iyo hay’adaha caalamiga ah ee maal galiya ganacsiga.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Ugu horeyn waxaa kulanka furay C/laahi Cismaan Ismaciil (Fu’aad) oo safaarada soomaaliya u qaabilsan dhanka ganacsiga’waxana uu soo dhaweeyay ganacsatada’isagoo sheegay in kulankan uu yahay is barasho ayna jiri doonaan kulamo kale oo kan ka balaaran.

Qaar ka mid ah ganacsatadii ka soo qeyb gashay kulankan casho sharafta ah ayaa soo dhaweeyay kulanka ay soo qaban qaabisay saafarada’iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka,uuna bilow u noqon doono wada shaqeyn dhex marta safaarada soomaaliya iyo ganacsatada soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo soo xiray kulanka casho sharafta ahaa ayaa shegay in 5-ta bisha soo socoto uu dhici doono shir weyn oo ay safaarada isugu keeni doonto ganacsatada soomaaliyeed ee ku kala nool Kenya iyo soomaaliya si ay u wadaagaan khibradahooda ganacsi.

Markii uu dhamaaday kulanka casho sharafta ah ayaa mas’uuliyiinta safaarada waxa ay kulan albaadadu u xirnaayeen oo dood wadaag ahaa la qaateen ganacsatada soomaaliyeed’waxana kulankaasi looga hadlayay qaabka ay ganacsatada soomaaliyeed uga qeyb qaadan karaan maalgashiga dalka’iyadoo su’aalaha ganacsatadana ay ka jawaabayen ku xigeenka safiirka Ahna qunsulka koobaad ee safaarada Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Xassan Nur oo ah Madaxa IFC.

IMG_6801 IMG_6803 IMG_6806 IMG_6812 IMG_6835 IMG_6842 IMG_6843 IMG_6845 IMG_6852 IMG_6857 IMG_6868 IMG_6870 IMG_6892 IMG_6895 IMG_6898 IMG_6899 IMG_6900 IMG_6904 IMG_6906 IMG_6907 IMG_6915 IMG_6920 IMG_6921 IMG_6922

Sawir qaade: Hassan Omar Baffo

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Aadan Yabaal

Next Post

Ciidamada amniga oo Maan-dooriyaha Xashiishadda gacanta ku soo dhigay+Sawirro

Next Post
Ciidamada amniga oo Maan-dooriyaha Xashiishadda gacanta ku soo dhigay+Sawirro

Ciidamada amniga oo Maan-dooriyaha Xashiishadda gacanta ku soo dhigay+Sawirro

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In