Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika oo kulan u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika oo kulan u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika ayaa kulan u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi,waxaana kasoo qeybgalay Madax ka socotay Jaamacadaha UNISA,Vaal iyo Jaamacadda Johannesburg, Wasaaradaha Waxbarashada hoose iyo sare iyo Hay’adaha taageera Waxbasharada iyo Dhallaanka ku dhashay dalkaan kana qalanjibayay Dugsiyada Sare iyo kuwa laga keenay Soomaaliya oo ka helay K/Afrika Deeq Waxbarasho.

Madaxda ka socotay qaar ka mid ah Jaamacadaha K/Afrika oo ka jeediyay kulanka lagu qabtay Xarunta Safaaradda waxa ay xuseen xiriirka ay labada dal ee dhanka Waxbarashada inuu yahay mid wanaagsan,waxaa sanadkii tagay Soomaaliya ku deeqday Jaamacada ku taalla Pretoria in kabadan sodon kun oo buugaag ah.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

Sidoo kale Kulankan ayaa lagu dhiiragaliyay Ardada dhameysay Dusiga Sare inay ka miro dhaliyaan dadaalkooda,kulankan ay Sanad walba Safaaradda u qabato Ardayda Soomaalida ayaa ka hadlay Ardada qaarkood waxeyna ugu mahadceliyeen doorka ay Safaaraddu ka qaadato isku xirka Ardada iyo Jaamacadaha.

Danjire Maxamed Cali Mire oo isna ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Dowladda K/Afrika garab istaagga iyo xiriirka wanaagsan ay la leeyahay Dowladda Soomaaliya.
Uqeybasanaha Waxbarashada Cabdi Xalane Xirsi oo Xafiiskiisa qabtay kulankan ayaa sheegay in kulan uu yahay mid lagu dhiiragalinayo Ardada Soomaalida.

Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa waddo dadaalo ay dib ugu soo nooleynayso xiriirada Jaaliyadda iyo Dowladda k/Afrika kadib cudurka Covid19- oo hakad ku yimid shaqooyinka Safaaradda.

Previous Post

Xaflad soo dhawayn ah oo magaalada Istanbuul loogu sameeyay Madaxwayne Lafta-gareen

Next Post

Dowladda Armenia oo sheegtay in ay ka hor tagtay isku day dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan.

Next Post
Dowladda Armenia oo sheegtay in ay ka hor tagtay isku day dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan.

Dowladda Armenia oo sheegtay in ay ka hor tagtay isku day dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan.

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In